Baydhabo,(insidesomalia.org)- Waxaa sii kordheysa shaqo kategis ay sameynayaan Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Bay, kuwaasi oo maalmahan Idaacadaha uga dhawaaqayay Is-casilaaddooda.
Inta badan Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Bay ayaa is casilay, waxaana ugu horeeyay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Qansax dheere iyo Ufurow, halka shalay iyo saakayna ay is casilaaddooda ku dhawaaqeen Guddoomiyaha Degmada Buur Hakaba Maxamed Cabdi Aw kaarey, Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Cabdixafiid Shiikh Xuseen iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Degmada Berdaale ninka lagu magacaabo Isaaq Abshirow Aadan.
Mas’uuliyiintan is casilay ayaa waxay ku sheegeen sababta ay isu casileen, iyadoo aaney waxba u soo wehlin xilka loo magacaabay, wuxuuna Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Cabdixafiid Shiikh Xuseen uu sheegay in aysan xitaa heysan agabkii ay Degmada uga shaqeyn lahaayeen, marka laga soo tago xuquuqdii ay lahaayeen.
Guddoomiyaha Gobolka Bay Cabdifataax Maxamed Ibraahin Geesey oo wax laga weydiiyay is casilaadda ay sameynayaan Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin cid is casilaad u soo gudbisay, wuxuuna sheegay in haddii arintaas jirto ay u taallo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay iyadu u xil saaran tahay sameynta Maamullada Gobollada Dalka.